Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil isugu jira Soomaali & Itoobiyaan (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo booqashonku jooga magaalada Xudur ayaa gudoomiyey kulan ay isugu yimadeen saraakiisha laamaha amaanka gobolka Bakool.

Waxaa shirkan looga hadlay xoojinta Nabada degmooyinka gobolka iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalada ka socda gobolka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa ka mid ahaa xubnaha ka qeyb galay shirka Wasiir Ku-xigeenka amniga Koonfur Galbeed taliyaha Qeybta 60aad ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha ciidanka darawishta KG iyo Saraakiil ka socotay ciidanka AMISOM ee ka socda Itoobiya.

Intii uu socday shirka waxaa la isku dhaafsaday fikrado kala gedisan oo la xiriira sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay joogaan gobolka Bakool

Shirka oo ahaa mid inta uu socday looga hadlayey amaanka gobolka Bakool ayaa lagu dejiyey qorshe milateri oo Al-shabaab looga saarao goobaha ay joogaan, xayiraadana looga qaadayo degaanada ay go’domiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -