Nin Dhalinyaro ah oo Dhibaato u gaar ah kala kulmay Xayiraadii Caronavirus (Daawo Sawirro)

26 jir Shiinees ah oo ku nool magaaladii uu kasoo bilowday xanuunka Corona ee Wuhan ayaa noqday qofka ugu cayilan kaddib markii culaabtiisa ay ku korortay 100 kilogaram shantii bilood oo xayiraaddu saarneyd magaalada.

Ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Zhou, si loo ilaaliyo gaar-u-joogiisa, markii horaba maanu ahayn nin dheelli-tirka hilibkiisu sugan yahay, wuxuuse marwalba ku dadaali jiray inuu dhimo culeys walba oo kusoo fool leh. Ilaa laga yimaado bandowgii la saaray magaalada kaas oo qaabka noloshiisa wax ka bedelay.

Joogitaankiisa badan ee guriga iyo cunistiisa, iyada oo aanay jirin jimic jireed uu ku gubi karo dufanka badan ee jirkiisa galaya, waxay keentay inuu si fudud ku cayilo. Waxaana durba ku dheeri noqday 616 pounds (280 kilograms), oo aad uga badan intuu ahaa bandowga kahor.

Sheekadiisa waxay kasoo shaac baxday gudaha Isbitaalka Wuhan oo lagula tacaalayo xaaladiisa Wuxuu dhaqaatiirta u sheegay inuusan kasoo bixin gurigiisa taniyo markii xanuunka Corona uu bilowday.

Kororka cayilka jirkiisa oo u diiday inuu jiifsado awgeed, ayaa ku qasabtay inuu kaalmo caafimaad soo weydiisto bahda caafimaadka.

Wuxuu usoo qeyshaday isbitaalka weyn ee Wuhan, isaga oo u sheegay inuusan indhaha isku qaban muddo 48 saacadood ah.

Si kastaba, koox gargaarka degdega ah katirsan ayaa u baxay inay kasoo qaadaan aqalkiisa, waxaana la jiifiyay qeybta ICU-da ee isbitaalka.

Dhaqaatiirta ayaa rajeynaya in muddo saddex bilood ah uu jirkiisa dhimi doono 50 pound, si loo yareeyo halista la imaan karta marka qaliinka lagu sameeyo

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -