Dowlada Kenya oo amar cusub ku soo rogtay duulimaadyada ka baxa Kismaayo

Hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya ayaa amar cusub oo dhinaca duulimaadka ah ku soo rogtay Dayuuradaha ka duula Kismaayo ee ku wajahan Magalada Nairobi.

Amarkan ayaa dhigaya in dayuuradaha ka baxa Kismaayo ee ku wajahan Nairobi ay sii maraan Magaalada Wajeer si loogu sameeyo baaritaan.

Kulan ay Magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya 14-kii bishii la soo dhaafay ee Novembar ee sanadkan 2019 ayaa waxay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in Dayuuradaha ka baxa Muqdisho ay toos ah u tagaan Nairobi.

Soomaalida ayaa dhibaato waxay kala kulmaan sii marista Magaalada Wajeer oo si weyn loogu baaro, waxaana dhowr jeer Dowlaha Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen heshiis dhigayey in diyaaradaha ay si toos ah u tagaan Nairobi, balse Kenya ayaa ka baxeysay mar kasta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -