Meydka nin kasoo dhacay Diyaarada Kenya Airways oo laga helay London

Beer kutaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa laga helay meydka nin la tuhmayo in uu kasoo dhacay Diyaarada Kenya Airways oo ku dageysay garoonka diyaaradaha ee Heathrow.

Meydka ninkan wali aan la aqoonsan ayaa laga helay beer yar oo ku taal deegaanka Clapham, oo kutaala koonfur galbeed London, waxaana meydka arkay nin xiligaasi ku sugnaa beerta uu kusoo dhacay.

Waxaa loo badinayaa in ruuxa meydkiisa la helay in uu isku soo qariyay qeybta taayarada ee Diyaarada Kenya Airways oo kasoo duushay magaalada Nairobi, waxaana goobta la tuhmayo laga helay boorso ,cunno iyo cabitaan.

Booliiska magaalada London ayaa bilaabay in ay baaritaano ku sameeyaan meydka ninkan diyaarada kasoo dhacay, waxaana la filayaa in booliiska kiiskan war kasoo saaraan marka baaritaanada dhamaadaan.

Afhayeen u hadlay shirkadda Kenya Airways ayaa sheegay in ay xiriir dhaw la sameeyeen saraakiisha Nairobi iyo London si looga sal gaaro meydkaasi diyaaradda kasoo dhacay, waxa uuna afhayeenka xusay in diyaaradooda baaritaano kadib aan wax dhibaato ah lagu arkin.

Dhacdadan ayaana aheyn tii ugu horeysay oo London lagu arko, waxaana dhowr mar oo hore meelo ku dhaw dhaw garoonka Diyaaradaha Heathrow lagu arkay meydadka dad kasoo dhacay diyaarado ay isku soo qariyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -