Daawo Sawirada: Taliyaasha ciidamada Soomaaliya oo gaaray Dhuuso Mareeb

Waxaa magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug gaaray taliyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana garoonka Diyaaradaha Dhuuso Mareeb kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada federaalka iyo maamulka Galmudug.

Taliyaasha gaaray Dhuuso Mareeb waxaa sidoo kale la socda xubno kamid ah guddiga isku dhafka ciidanka qalabka sida, waxa uuna safarkooda salka ku hayaa amar kasoo baxay Kheyre oo ku aadan  in la qarameeyo lana wareegaan ciidamada Ahlusunna .

Taliyaasha goordha gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ayaa kala ahaa Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya, Jeneraal Indha Qarshe , taliyaha ciidanka booliiska Jeneraal Bashir Ameriko iyo taliyaha ciidanka Asluubta .

Saraakiishan ayaa inta ay joogaan magaalada Dhuuso Mareeb la wareegi doona ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameenayo tababarna loo furayo, waxa ay sidoo kale ka shaqeenayaan sidii ciidamo federaal ah ula wareegi lahaayeen amaanka Dhuuso Mareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -