Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Dagaalo & duqeymo khasaare sababay oo ka dhacay Laascaanood

Madaafiic ayaa qaybo ka mida magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu garaacay maanta kuwaasoo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac ah sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Mid ka mida Madaafiicda ayaa ku habsaday goob maqaahi ahayd oo ay dad badan ku sugnaayeen.

Sidoo kale isbitaalka guud ee ee qaybta shaybaarka ee magaalada ayaa lagu soo warramayaa in madaafiicdu ay waxyeelleeyeen kaddib markii mid kamida uu ku dhacay.

Qeybo ka mid ah Isbitaalka ayaa horey ugu burburay dagaalladii cuslaa ee ka dhacay Laascaanood inkastoo dib loo dayactiray.

Duqeyntan ayaa ka dambeysay dagaal duleedka magaalada ka dhacay manata kaasoo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka ee SSC.

Dhowr qof oo shacab ah ayaa la sheegay iney ku naf waayeen duqeynta maanta ka dhacday Laascaanood, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo loo gudbiyay xogta weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad Ammarna bixiyay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Yaaqshiid oo faahfaahin ka bixiyey weerarkii xalay lagu dhaawacay

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Wasiir Ciid iyo Wafdi ka socda Masar oo booqday Beero kuyaala Afgooye

Cabdi Cade
Taboola Ads ---