Madaxweyne Xaaf oo khudbad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Cadaado (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa xalay ka qeyb galay Munaasibada 26 Jun oo ah 59 guuradii kasoo wareegtay maalinkii ay xornimada Gobolada Waqooyi ka qaateyn gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo ay wehliyaan Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare iyo wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ayaa ka qeyb galay Munaasibada 26 Jun oo lagu qabtay Magaalada Cadaado ,

Madaxweynaha Galmudug oo qudbad ka jeediyay Munaasibadan lagu maamuusayay 59 guuradii kasoo wareegtay maalinkii ay Gobolada Waqooyi ka xoroobeen Gumeystihii Ingiriiska ayaa waxa uu aad uga taariikheeyay marxaladihii laga soo maray xornimada isaga oona uma Soomaaliyeed alle uga baryay in qalbiyadooda isku soo hanuuniyo Soomaaliya ay mid noqoto

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Galmudug dhib badan laga soo maray hadana ay meel wanaagsan joogto waxa uu siyaasiyiintii iyo waxgaradka Reer Galmudug ee kasoo qeyb galay Munaasibada ugu booqay in Galmudug loo kaco oo ay dadkeedu Hormariyaan qof walbana looga baahanyahay in uu istaago sidii Galmudug ay wax u noqon laheyd sidoo kalena loo baahanyahay in la isku samro dadkana la hishiisiiyo.

Waxa uu Madaxweynuhu bogaadiyay shirweynaha lagu balansanyahay in bisha soo socota lagu qabto Magaalada Hobyo waxa uu sheegay Madaxweynuhu in loo baahanyahay in lawada hadlo shirar kasii waa weyna la qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -