Hargeysa oo si qurux badan looga xusay munaasabada 26-ka Juun (Daawo Sawirada)

Waxaa xalay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland lagu qabtay munaasabad balaaran oo loogu dabbaal-degayay 59-guurada kasoo wareegtay Markii gobolada Waqooyi xuriyada ka qaateen Dowladda Ingiriiska .

Munaasabadan oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kuxigeenkiisa, Wasiiro , Xildhibaano , Madaxweynihii hore ee Somaliland ,Madaxda sadexda xisbi iyo marti sharaf kala duwan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ugu horrayn si hufan u sharraxay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo sidii ay ku timid, waxana uu sheegay inay Somaliland kamid tahay dalalka Afrika ee ugu taariikhda dheer.

“Xorriyadda Somaliland waxa ay kasoo bilaabantaa markii qarnigii 18-aad ay odayaasha Somaliland Ingiriiska kula saxeexdeen badda ee dhammaan odayaasha Somaliland oo dhammi uu mid waliba uu halkiisa kaga saxeexday qodobbada ah, annagu isticmaar noqon maynno, dushaad naga ilaalinaysaa, dhulkayaga kuma dhali kartid, markaannu ku nidhaahno naga tagna waad naga tegaysaa. U mallayn maayo dal Afrikaan ah oo intaas haleelay inuu jiro, taariikhduna halkaasay kasoo bilaabantaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Buixi ayaa caddeeyey in bulshada Somaliland oo dhammi si midaysan u dhisatay maamulka Somaliland, isaga oo bulshada la wadaagayey magacyada, waxgarad kasoo kala jeeda guud ahaanba gobollada Somaliland oo ka mid ahaa aas-aasayaashii qarankan.

Dabaaldega munaasabad 26-ka June ayaa xalay lagu qabtay magaalooyin badan oo Soomaaliya katirsan, waxaana munaasabadan lagu xusayay 59-sano guuradii kasoo wareegtay markii gobolada Waqooyi ka xuroobeen Gumeysiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -