Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Kinshaasa (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Injiili ee dalka Koongo Madaxda Dalkaas oo muujinayey mudnaanta ay siinayaan kobcinta xiriirka labo geesoodka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.

Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

Related posts

Daawo:-Kalsooni gala noqoshada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ma noqonaysaa mid sax ah!!

admin

Faahfaahino ka soo baxaya israsaaseyn dhimasho sababtay oo ka dhacday Hargeysa

Caydiid Ali

Wasiir Jibriil C/rashiid oo raali gelin bixiyey ka dib cadaadis kaga yimid Ra’isul Wasaaraha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---