Gudoonka Baarlamaanka oo Wasaarada Maaliyadda ka raali galiyay Warbixintii Guddiga Maaliyadda

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta dood kulul ka yeeshay Warbixintii dhawaan ay soo saareen guddiga Maaliyadda Soomaaliya ee lagu eedeeyay Wasaarada maaliyadda.

Guddoomiye kuxigeenka labaad Golaha shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo soo xiray kulanka Xildhibaanada ayaa sheegay in Guddiga warbixinta ay soo saareen ay ku timid qaab qaldan oo aan lala wadaagin Guddiga joogtada.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka raali galiyay Wasaarada maaliyadda warbixinta khaldan ee soo saareen guddiga Maaliyadda, waxa uuna xusay in Guddiga Maaliyadda ay dul duleelo iyo qaladaad ay ka dhaceen.

” Guddiga Maaliyadda, oo ah guddi aad u shaqa badan, waxaa ka yimid duleel, waxaan raali galin ka bixineynaa in Golaha la keeno xeer aan lala wadaagin Guddiga Joogtada ah iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana raali-galin ka bixinaynaa hadii qalad naga dhacay”’ Ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Mahad Cawad ayaa sheegay in dooda Warbixintan halkaas looga gudbayo , waxa uuna cadeeyay in Baarlamaanku uusan sheegin in la lunsaday $40 milyan dollar , waxa uuna mar kale Wasaarada Maaliyadda ka raali galiyay Warbixinta guddiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -