Dowlada Soomaaliya oo beenisay in Xilka laga qaaday Maxamed Cabduqaadir Hilaal

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa si deg deg ah u beenisay Warqad been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada , taa oo lagu sheegayay in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka wasaarada Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maxamed Cabduqaadir Hilaal.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in been abuur tahay warqada la sheegay in Wasiir ku xigeenka xilka looga qaaday, taa oo lagu faafiyay baraha bulshada.

”Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka  laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal, dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha ulshada iyo warbaahinta kale” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada Warfaafinta.

Warqadan been abuurka ah ayaa imaaneysa kadib markii Wasiir kuxigeenka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta uu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Wasaarada Batroolka oo la sheegay in uu aad ugu dhaw yahay Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -