Wakiilka cusub ee QM u qaabilsan Somalia oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Wakiilka cusub oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa dhowaan xilkan waxaa u magacaabay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobau Antonio Gutters ayaa ka shaqo bilaabaya magaalada Muqdisho oo ah fadhiga howlgalka Q/Midoobay ee UNSOM.

James Swan waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Wasiiru dowlaha arrimaha dibeda ee Somalia Yuusuf Axmed Khayr & madaxda UNSOM iyo ciidamada Qaramada Midoobay ka jooga Soomaaliya oo maamuus heer caalami ah u sameeyay, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Soomaaliya ayaan lahayn wakiil rasmi ah oo Q/midoobay u jooga Somalia tan iyo intii ay dowladda Somalia dalka ka ceyrisay wakiilkii hore ee UN-ka Nicholas Haysom bishii Janaayo ee sanadkan.

Hawshii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka qabtay waxay ahayd 25 sano ka-hor markas oo uu ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii.

Waqtiyadii u dambeeyay, Md. Swan ayaa shaqaynayay isagoo ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika muddadii 2007dii-2008dii, wuxuu soo noqday Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Djibouti muddadii u dhaxaysay 2008dii iyo 2011kii, wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011kii ilaa 2013kii. Wuxuu soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu ka ahaa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Congo, isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013kii ilaa 2016kii.

“Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda, Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah, laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay, iyo weliba guud ahaan beesha caalamka. Waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed.” ” ayuu yiri Md. Swan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -