Ajaaniib lagu dilay weerarkii garoonka Aadan cadde iyo DF oo ka hadashay

Afhayeenka Booliiska Somalia Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyey in lix qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaanib lagu dilay weerarkii maanta ka dhacay garoonka dayuuradaha Muqdisho

Lixda qof ayuu sheegay iney ku jiraan askari ka tirsan ciidamada AMISOM iyo saraakiil tababarayaal ah oo ka caawinayey dawladda dhinaca qaraxyada.

Ma sheegin afhayeenku dalalka ay u kala dhasheen ajaaniibtan balse Booliisku waxay horey u sheegeen in laba nin ay isku dayeen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero ku dhow garoonka ee dhinaca albaabka Mariino, islamarkaana ay booliska dileen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegteen oo kale in dagaalyahanadoodu ka dagaalamayeen gudaha garoonka ayna dab qabadsiiyeen meelo ka mid ah garoonka.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magacisia qariyey ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaaday ay ka gudbeen baraihii kontoroolka ayna gaareen goob ay ku yaallaan dukaamo ganacsi ayna dab qabadsiiyeen qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -