Labo arin oo sabab looga dhigay in hoos u dhaca Jaadka Kenya usoo dhoofiso Soomaaliya

Dowlada Kenya iyo ganacsatada qaadka ayaa si weyn uga walaacsan hoos u dhac ku yimid jaadkii loo soo dhoofin jiray Soomaaliya kaa oo dowlada Kenya iyo ganacsatada jaadka ka heli jireen lacago aad u badan.

Waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay hoos u dhac ku yimid jaadkii badnaa ee Kenya usoo dhoofin jirtay Soomaaliya, waxa ayna taasi sababtay in hoos u dhacdo dhaqaalihii Kenya ka heli jirtay dhoofinta jaadka.

Bangiga dhaxe ee dowlada Kenya ayaa sheegay in jaadka loo dhoofiyo Soomaaliya ku yimid hoos u dhicii ugu weynaa mudo sanado ah, waxa uuna bangiga xusay in lacagihii kasoo xaroon jiray jaadka loo dhoofiyo Soomaaliya si weyn hoos ugu dhacday,.

Guddoomiyaha Ururrada Ganacsatada Qaadka Kenya Kimathi Munjuri,  ayaa sheegay in hoos u dhacay jaadkii loo dhoofin jiray Soomaaliya, waxa uuna gudoomiyaha hoos u dhacaasi ku sifeeyay in sabab u noqdeen labo arin oo taagan.

Waxa uu arinta koobaad ku sheegay khilaafka diblomaasiyadeed ee xiligan u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Kenya ee ka dhashay muranka dacwada badda, waxa uuna tilmaamay in khilaafkaasi sababay in yaraado jaadka Soomaaliya loo dhoofiyo.

Kimathi Munjuri, ayaa sidoo kale ku sheegay arinta labaad ee hoos u dhigtay jaadka loo dhoofiyo Soomaaliya ay tahay abaarta ka jirta qeybo kamid ah dalka Kenya uu xusay in hoos u dhigtay wax soo saarka Jaadka xili ay suuq xumo ay jirtay.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha ururada ganacsatada jaadka in subaxyada qaar ganacsatada Soomaaliyeed ee jaadka dhoofisa kusoo wargaliyaan in aysan jaad badan rabin sidaasna ku yimaado khasaaro maalintaas ah.

Subax walba waxaa  Kenya laga soo dhoofiyaa in ka badan 50-tan oo Jaad ah , waxaana jaadkan la geeyaa magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya iyadoona taa badalkeeda diyaaradaha jaadka lagu sii qaado lacago badan oo faa”ido u ah dalka iyo dadka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -