Gudoomiyaha ugu da’da yar degmooyinka G/Banaadir oo xilka la Wareegay (Sawirro)

Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen gudoomiyaha cusub iyo kii hore ee degmada Xamar Jajab ayaa maanta ka dhacday xarunta degmadaas ee magaalada Muqdisho.

Xafladaas oo si wanaagsan loo soo abaabulay ayaa waxaa ka qeyb-galay madax ka socotay G/Banaadir iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo shacabka ku dhaqan Degmadaas.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Jajab, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta xilka Guddoomiyaha Degmdaas ku wareejiyo Guhaad Sheekh Xasan Cali oo uu dhowaan xilkaasi uu u soo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan oo isna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maamulkiisa cusub ay horyaallaan shaqooyin culus oo u baahan in wax laga qabto, wuxuuna caddeeyay inuu xoogga saari doono wax u qabashada bulshada Degmadaas gaar ahaan dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -