Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo lagu soo dhoweeyey degmada Wanle-weyn (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xassan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi la socday aya maanta gaaray degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay maamulka degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha bulshada.

Laftagareen ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Mas’uuliyinta degmada, Odayaasha iyo Dhalinyarada, waxayna madaxweynaha la wadaageen tabashada ay qabaan dadka deegaanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegey in sida ugu dhow ay wax uga qaban doonaan cabashooyinka ay soo gudbiyeen bulshada reer Wanlaweyn, waxaana uu sheegey in marna aan raali laga noqonaynin in la dhibaateeyo Shacabka ku nool degaanada Maamulkiisa.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Gobolka Shabeellaha hoose ay ka socoto howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, wuxuuna madaxweynaha Koonfur Galbeed shacabka ku dhira geliyay iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiis horumarineed oo haldoorka Soomaalida dhexdooda laga dhigo ayaa hortebin u leh dowladda cusub

admin

Abwaan Guure oo mar kale loo Magacaabay xil ay ka qaaday dowladii Farmaajo

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo ku laabtay Baydhabo Shirna Guddoomiyay (Sawirro)

Cabdi Cade