Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dilal ka dhacay magaalada Muqdisho

Xarakada Al Shabaab ayaa goordhaw sheegatay masuuliyada labo dil oo saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay Degmooyinka Hiliwaa iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in dagaalyahano hubeesan oo kooxdooda katirsan in ay fuliyeen dil Suuqa ariga ee Degmada Dayniile loogu geestay Nabadoon Macalin Cabdi Siyaad Geedi oo kamid ahaa Waxgaradka Soomaaliyeed.

Nabadoonkan oo kamid ahaa Odayaashii soo xulay Baarlamaanka federaalka ee Waqtigiisu dhamaaday ayaa saakay kooxo hubeesan si gaadmo ah ugu dileen Suuqa ariga degmada Dayniile uu ka shaqeen jiray.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dil kale oo ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in dilkaasi loo geestay Muxudiin Colow oo ay sheegeen in uu katirsanaa Odayaashii soo xulay Baarlamaanka.

Dilalka Odayaashan loo geestay ayaa kusoo aadaya xili dhawaan la filayo in dalka ka dhacdo doorashada Xildhibaanada labada aqal, waxaana Xildhibaanada aqalka hoose mar kale soo dooranaya Odayaasha iyo ergada  beelaha Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -