Natiijada doorashadii ku celiska aheyd ee Istanbul oo la shaaciyey (Yaa ku guuleystay?)

Musharraxa ka socday xisbiga mucaaradka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee maanta ka dhacday Istanbul.

Imamoglu oo ah 49 jir oo aanan si wanaagsan loogu aqoon siyaasadda Turkiga, ayaa ka badiyay musharraxi ka socday xisbiga talada haya ee AK sidoo kalana ah ra’isul wasaarihi hore Binali Yildirim oo isagu caawa qirtay in doorashada looga guuleystay.

Waa marki labaad oo uu Imamoglu ku guuleysanayo doorashada duqa Istanbul, kaddib marki ay guddiga doorashada diideen natiijada doorashadi Istanbul ee 21-ki bishi March.

Sida ay muujineyso natiijada horhdaca ah, musharraxa ka socda xisbiga mucaaridka ayaa helay codad dhan 53.86 % halka Yildirim uu helay 45.23.

Guushan ay gaareen mucaaradka ayaa waxay dharbaaxo ku tahay xisbiga uu hogaaminayo madaxweynaha dalkaas Erdogan oo muddo dheer ku awood badnaa magaalada Istanbul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -