RW Khayre oo furay Wejiga 2-aad ee dib u habeynta Ciidanka Xoogga dalka (Daawo Sawirro)

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta Ciidamada xoogga Dalka.

Ra’iisu Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa furay munaasabadda lagu shaacinayay bilaabashada wejiga labaad ee dib u habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska Ururka lixdanaad ee Ilaalada madaxtooyada.

Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada si loogu saleeyo dhameystirkabaahida ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho Qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay  diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada.

Taliyaha ayaa saraakiisha CXDS ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya oobaha ay ciidmada ku suga yihiin.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -