Codbixin Muhimad weyn u leh mustaqbalka Madaxweyne Erdogan oo Istanbul ka dhacday

Dadka ku nool magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa maanta mar kale dib ugu laabtay goobaha codbixinta, doorashada ku celiska ee duqa magaalada, kaddib marki uu guddiga doorashada wax kama jiraan kasoo qaaday doorashadi dhacday 31-ki Maarso.

Doorashadi magaalada Istanbul ka dhacday saddex bil ka hor, ayaa waxaa tiro aanan sidaasi u badneyn ku helay musharraxa ka socda xisbiga mucaaridka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu. Wuxuu ka guuleystay musharraxa xisbiga talada haya ee AKP Ra’isulwasaarihi hore Binali Yildirim.

Magaalada Istanbul oo ah magaalada ugu weyn Turkiga sidoo kalana ah caasimadda ganacsiga, ayaa shacabkeeda oo lagu qiyaaso 16 milyan waxay saakay safaf u galeen goobaha cod bixinta saacaddu marki ay aheyd siddeedii subaxnimo, waxaana la filayaa in doorashada ay xiranto galabta shanta xilliga Istanbul.

Musharraxa xisbiga mucaaradka Imamoglu, ayaa isaga oo wariyaasha la hadlyay waxyar kaddib marki uu codkiisa ka dhiibtay degmada uu guddoomiyaha kasoo noqday ee Beylikdüzü sheegay, in maanta ay shacabta Istanbul qaadan doonaan go’aanka ugu wanaagsan.

Natiijada doorashadaan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mustaqbalka madaxweyne Erdogano o horay maayar uga soo noqday magaalada Istanbul – waa magaalada xuddunta u ah dhaqanka iyo dhaqaalaha Turkiga, madaxweynuhuna waxa uu badanaa yiraahdaa “Qofkii ku guulaysta Maayarka Istanbul ayaa Turkiga oo dhan ku guulaystay”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -