Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo lagu xiray Dhuusamareeb (Sababta)

Sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Dhuusamareeb waxaa halkaas lagu xiray Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falage ayaa la sheegay iney xabbsiga dhigeen ciidamo Boolis ah oo magaaladaas ku sugan ka dib markii uu isku dayey inuu la baxsado gaari dhowaan dowlada Somalia ugu deeqday Wasaaradiisa.

Axmed Shire Falage ayaa isku dayey in isagoo wata gaarigaas uu sii raaco kolonyadii gelbineysay Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo galabta isaga tagay magaalada Dhuusamareeb balse waxaa gacanta ku dhigay booliska Galmudug oo xabsiga dhigay sida laga soo xigay saraakiil halkaas ku sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Messi oo koox Carbeed ka helay Dalab ka dhigaya in uu Noqdo Ciyaarayhanka ugu…

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo ka carootay amar Taliban ku soo rogtay Shaqaalaheeda

Caydiid Ali

Boqor Salmaan oo lagu sameeyay qaliin iyo Boqortooyada Sacuudiga oo War kasoo saartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---