Fiqi: “Dhuusamareeb waxaa ku soo haray labo kooxood oo kala ah Ahlu Sunna iyo..”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda degaanada Galmudug ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf iyo Galmudug ay isaga tegeen magaalada Dhuusamareeb.

“Xaaf iyo GALMUDUG-ba waa ka wada baxeen, waxaana isugu haray labada kooxood ee Villa Somalia iyo ASWJ..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ayuu Fiqi ku tilmaamay wafdiga Wasiir Sabriye Baabuur walxaha Qarxa lagu soo rakibo oo albaabka hore ee goobta la weerarayo lagu furto, kadibna kooxo qamaam oo hubeysan ay goobta soo galaan sida safarka Khayre ee la sheegay inuu ku tagayo Dhuusamareeb.

Fiqi ayaa ku dooday in Xaaf uu keligiis ahaa Galmudug, isla markaana wadahadalka Dowladda Federaalka iy kooxda Ahlu Suna aysan ka dhigneyn mid Galmudug arrimaheeda khuseeya, sida uu yiri.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaannada kasoo jeeda Beelaha H/Gidir ayaa intooda badan taageeray Madaxweyne Xaaf oo hore khilaaf uga soo tegay magaalada Cadaado, lana midoobay kooxda Ahlu suna, haddana ay muuqato inuu ka tegay Ahlu suna oo keligii ku sii jeedo Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -