Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Qarax jugtiisa caawa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay meel ku dhaw xerada ciidamada Cirka Afasiyooni ee kutaala degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ay lahaayeen ciidamada booliiska oo xiligaasi laamiga marayay, walina lama oga in qaraxan uu ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay iyo in uu ahaa qarax gaariga ku xirnaa.

Ciidamada booliiska ayaa si deg deg ah u xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, walina si rasmi ah looma oga cida la socotay qaarigan booliis ee la qarxiyay iyo waliba khasaaraha qaraxa kasoo gaaray.

Qaraxan caawa dhacay ayaa imaanaya xili amaanka Muqdisho la adkeeyay, waxaana beri la filayaa in Muqdisho la keeno meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Yariisow oo kusoo geeriyooday dalka Qadar kadib dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxii Gobolka ka dhacay.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo mar kale dib u dhacday (Akhriso Jadwal cusub)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka Walaacsan abaabulka ay wadaan Musharaxiinta kasoo horjeeda

Cabdi Cade

Waalidiin caruurtooda halis galeen oo Dacwad kusoo oogaya Shirkad sameysa gameka!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---