Xildhibaanada Golaha Shacabka oo heesato Labo Daran mid dooro !!!

Xildhibaanada golaha shacabka ee waqtigoodu sii dhamaanayo ayaa intooda badan rajo badan ka qabin in mar kale dib loo soo doorto hadii aysan dhicin musuq maasuq lamid ah kii afar sano kahor lagu soo doortay.

Inta badan Xildhibaanada golaha shacabka ayaan heesan kalsoonida dadka ay ku matalaan kursiga, waxaana Xildhibaanada qaarkood doorashadii hore kusoo baxeen qaab musuq maasuq iyo laaluush bixin ah.

Odayaasha iyo dadka ay matalaan Xildhibaanada qaar ayaana xiligan kursi gaaban ugu fadhiya, waxa ayna sugi la’yihiin in mar kale doorasho la isugu yimaado ayna hor yimaadaan Xildhibaankoodii xumaaday oo mar kale xil raadinaya.

Xildhibaanada golaha shacabka ee ka niyad jabsan in dib loo soo dooran doono ayaa markii hore la dhacsanaa qorshaha mudo kordhinta Madaxweyne Farmaajo doonayay, waxa ayna Xildhibaanadan rabeen in 2-sano oo kale ay sii joogaan kuraasta.

Hada Xildhibaanada waxaa heesta laba daran mid dooro, waa in ay aqbalaan heshiiskii dhawaan Muqdisho ku gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyada ee ah in doorasho dadban la aado , hadii ay heshiiskan diidaana waxa ay halis ugu jiraan in Madaxweynaha kala diro Xildhibaanada marka uu waqtigoodu dhamaado.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in labo daran mid dooro xaalku taagan yahay, waxa ayna badankood sheegeen in ay u roontahay in heshiiska iska aqbalaan kolkii lakala diri lahaa iyaga oo ceebeesan oo doorasho diid ah.

Xildhibaanada hada rajada ka qaba in mar kale dib usoo laabtaan ayaa u badan kuwa aad ugu xiran Madaxtooyada Soomaaliya,kuwaa oo aamisan in ay kusoo bixi karaan awooda Villada halka kuwa kalana ay ku tashanayaan in jeebkooda kusoo baxaan.

Doorashada sanadkan lagu soo dooran doono Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka duwanaan doonta tii afar sano kahor, waxaana hada la bediyay ergada Xildhibaanada soo dooraneysa iyo magaalooyinka ay doorashada ka dhici doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -