Dhiganaha Madaxdii-la-Mahdiyay oo sameynaya Bandhig Cajiib leh.

Buugga dhawaan soo baxay oo la yiraahdo Madaxdii-la-Mahdiyay ayaa sameynaya bandhig cajiib ah oo dhinaca iibka suuqa la xiriira – kahor inta aan ugu danbeyntii loo sameynin Bandhig rasmi ah.

Dhiganahan ayaa ifinaya sirta guuleed ee sooyaalka shan madax-weyne kuwaas oo horumarro iyo guulooyin taariikhi ah ka sameeyey dalalkooda.

Qoraaga Buugga, Zakariya Xasan Maxamed, oo horay usoo qoray dhowr buug oo kala duwan sida Maalmaha Caalamiga, iyo Dhaxalka Duunyadeenna ayaa dooranaya shan hoggaamiye oo laba kamid ah ay kasoo jeedaan qaaradda Afrika – halka saddexda kale ay u kala dhasheen qaaradda Aasiya.

Mid walba oo kamid ah hoggaamiyaashan ayaa waqtigiisa gaarka ah wuxuu duruufo adag oo dhinaca nolosha oo ay bulshadiisu ku jireen wuxuu ku guuleystay inuu geesta kale uga saaro – isaga oo liibaan iyo barwaaqo laga mahdiyay sal-dhig u noqday.

Waxaynu inta badan maqalnaa guulaha dalalka horumaraya ay sameynayaan, balse wacaal intaa ka badan kama ogin qofka ka danbeeya is-beddelka ka soconaya daaha gadaashiisa! Waddamada ay duruufaha adagi la dageen qarnigii dhammaaday, balse qarniga 21aad sameynaya mucjisooyin dhaqaale oo cajiib badan, waa dhowr.

Si aan haddaba isu dultaagno sirta is-beddelkooda waa sababta dhalisay qorista Buugga Madaxdii-la-Mahdiyay.

Farriinta uu sido ayaa ah in – wixii dalkeenna soo maray aanay gaar ku aheyn umadda Soomaaliyeed, balse waxa gaarkeenna inoo heysta ay yihiin la’aanta hoggaamiyihii dhabta ahaa ee si lamid ah shantan madaxweyne is-beddel loo aayay u horseeday waddamadooda.

Sirta loo qaaday jaceylka loo qabo iibsigiisa, ayuu yiri tifaftiraha Buugga, waa inuu caddeymo u nool u keeni karo sida mushkilad walba oo dalkan heysata looga samata-bixi karo haddii la helo hoggaamiye aragti fog.

Sida kaliya oo lagu hubsan karo sugnaanshaha mustaqbalkeenna waa muhashada halyey lamid ah shantan madaxweyne oo Soomaaliya usoo baxa si diifta iyo diihaalka kusii daba-dheeraaday uu kaga saaro.

Haddaba ha u deymo la’aan iibsiga Buugga.

Kala xiriir Qoraaga Dhiganaha: Hiraal86@gmail.com

- Advertisement -