RW Khayre oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray dhameystirka barnaamijka SMP4

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kulan la qaatay guddiga loo xil-saaray dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta dalka oo maraya wajigiisii afaraad (SMP4).

Shirka oo looga hadlay dardar gelinta dadaallada loogu jiro cafinta daynta lagu leeyahay dalka ayaa guddigu waxa ay Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigeen tallaabooyinka ay qaadeen, natiijooyinkii kasoo baxay kulamadii ay yeesheen guddigu iyo qorshahooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa faray guddiga dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta inay laba jibbaaraan dadaallada ayna ku taagnaadaan qorshaha dalka daynta looga cafinayo si loogu diyaar garoobo horumar ballaaran oo Soomaaliya ay kuy tillaabsato.

Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’an tahay ka guul gaaridda qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay ayaa ku guulaysatay dhammaan shuruudihii la hor dhigay, waxaana hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dhammaan dhinacyada dalka daynta ku leh ay ku ammaaneen hoggaanka dalka sida ay uga go’antahay in dalka daynta laga nadiifiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -