Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo si rasmi ah xilka ula wareegay(Daawo Sawirada)

Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, iyadoo munaasabadii xil wareejinta ay kasoo qeybgaleen ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Gulled, wasiirkii hore wasaaradda ganacsiga ahna xiligaan wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiiro, xildhibaano iyo shaqaalaha wasaaradda ganacsiga.

Munaasabaddii xil wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay howlaha wasaaradda iyo heerarka kala duwan ee ay soo martay iyo howaha horyaala Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sheegay in wasaaraddu ay ku tallaabsatay horumar muuqda, inta dhimana looga baahan yahay inuu dhameystiro wasiirka cusub ee loo magacaabay Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo uu u rajeeyay in uu meeshii la rabay uu gaarsiin doono.

Wasiir Maareeye ayaa wasiirka cusub wuxuu ku wareejiyay document-yada wasaaradda ganacsiga iyo qorshooyinka qabyada ah ee horyaala xiligaan. Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa u mahad celiyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha sida ay ugu sharfeen uguna aamineen xilka wasaaradda.

Eng. Cabdullaahi ayaa wasiirka xilka baneeyay ku aamanay howsha adag ee uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka haayay, isagoona balan qaaday in meeshii uu ugu tegay horay ugu sii wadi doono, oo dib loo noqon doonin in horay loo socda mooyee, maadaama wasaaraddu ay tahay halbowlaha ganacsiga dalka isla markaana u taagan jaan goynta iyo horumarinta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Wasiirka cusub ayaa sheegay in ganacsiga uu ka mid yahay halbowleyaasha dalka, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Ugu danbeyntii wasiirka cusub ayaa codsaday in howsha adag ee loo igmaday lagu taageero isla markaana garab lagu siiyo sidii wasaaraddu u noqon laheyd mid horumar gaarsiisa ganacsiga iyo warshadaha dalka.

- Advertisement -