Daawo Sawirro: Weeraro lagu hayo Masaajidada iyo xarumaha ay leeyihiin muslimiinta dalka….

Dalka Sri Lanka ayaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah, kadib markii ay sii kordheen rabshadaha xoogan ee u dhaxeeya Muslimiinta laga tiro badan yahay iyo dadka Budiistaha ee dalkaasi ku badan.

Madaxweynaha dalka Sri Lanka Maithiripala Sirisena ayaa dalka kusoo rogay xaalad deg deg ah ,kadib markii ay kordheen weerarada xoogan ee kooxaha budiistaha ku qaadayaan Masaajida iyo xarumaha kale ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah.

Ciidamada booliiska ayaa ku guul dareestay in ay xakameeyaan rabshadaha ay wadaan dadka Budiistaha, waxaana dowlada howl galisay ciidamada milatriga si ay uga hortagaan rabshadaha sii xoogeesanaya.

Xiisada u dhaxeysa Muslimiinta iyo Buudiistaha u badan dalkaasi ayaa sii xoogeysatay todobaadkii hore kadib markii la helay meydka nin Buudiiste ah oo lagu eedeeyey inay dileen koox Muslimiin ah.

Dalka Sri Lanka waxaa kusoo kordhay sanadihii ugu dambeeyay  kooxo xagjir ah oo Buudiistayaal ah oo ku eedeeya Muslimiinta dalkaasi in ay diinta ka bedalaan dadkooda isla markaana la wareegeen xarumo taariikhi ah oo ay lahaayeen Buudiistayaasha.

Xaaladan deg dega ah ee lagu soo rogay dalka Sri Lanka ayaa noqoneysa markii ugu horeesay tan iyo markii dowlada dalkaasi heshiis la gaartay kooxdii gooni u goosadka u dagaalameysay ee Tamil Tigers.

Sri Lanka’s army soldiers stand guard a road after a clash between two communities in Digana, central district of Kandy, Sri Lanka March 6, 2018. REUTERS/Stringer NO RESALES. NO ARCHIVES.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -