Madaxwewyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid George W. Bush

Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii, dowlada iyo shacabka Maraykanka ee uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalkaas George W. Bush.

Tacsida Madaxweyne Farmaajo oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ee Twitter-ka ayuu ku sheegay in Madaxweynihii hore ee Bush uu ahaa nin dowladeed oo dhab ah oo dadaalkiisa u huray sidii caalamka looga dhigi lahaa goob nabadeed.

“Anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Bush iyo shacabka Mareykanka geerida Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H.W. Bush oo ahaa nin nabadeed oo ay ka go’an tahay nabada adduunka iyo ilaalinta dimuqraadiyadda”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Somalia oo heysta dhalashada dalka Maraykanka ayaa dalkaas ku noolaa muddo aad u fog.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -