Kheyre oo booqday Goobihii Qaraxyada ka dhaceen Abaal marina balan qaaday (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa xalay kormeeray goobihii shalay ka dhaceen qaraxyada ee agagaarka Isgooska Sayidka iyo Koontaroolka laga ilaaliyo garoonka Aadan Cadde ee kuyaala KM-4.

Xasan Cali Kheyre ayaa goobahaasi u tagay sidii uu qiimeyn ugu sameyn lahaa khasaaraha ay reebeen qaraxyada, waxa uu sidoo kale goobahaasi u tagay sidii uu u bogaadin lahaa ciidamada amaanka oo qaraxyada qaar fashiliyay.

Ra’aisul Wasaaraha ayaa ciidamada amaanka ku bogaadiyay geesinimada ay muujiyeen iyo sidii ay ugu guuleesteen in ay qabtaan mid kamid ah ragii la socday gaadiidkii shalay ku qarxay magaalada Muqdisho.

Waxa uu u balan qaaday Ra’isul Kheyre askartii shalay fashilisay qaraxii ka dhacay KM-4  in la siin doono abaal marino ay ku farxaan, waxa uuna ciidamada amaanka ku bogaadiyay in ay halkooda kasii wadaan shaqada adag ay dalka iyo dadka u hayaan.

Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan kii ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 10-ruux oo isugu jiray shacab iyo ciidan , waxaana qaraxyadaasi masuuliyadooda sheegtay Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -