Laftagareen oo u dabaaldegay Sanadguuradiisii 4aad, xili uu xaalku ku xun yahay (Sawirro)

Munaasabad loogu Dabaal Degayey 4-Sano Guuradii kaso Wareegatay Markii Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen loo Doortay Hogaaminta Koonfur Galbeed ayaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Baydhabo.

Waxaa xaflada ma maqnaa Madaxda dowlad goboleedyada oo qaarkood la casuumay balse aan iman, sidoo kale waxaan xaadirin inta badan xildhibaannadii Federaalka ee uu soo saaray Laftagareen xiligii doorashada.

Wasiirka haweenka iyo arimaha qoyska DF Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka mid aheyd masuuliyiin ka baxay Muqdisho oo xafladaas ka qeyb galay.

Cabdicasiis ayaa afar sanno ka hor shalay oo kale loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka dib dagaal dhiig ku daatay oo ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo sidoo kale la xirixiray musharaxiin saameyn leh oo laga baqayey iney doorashada ku guuleystaan, kuwaaso uu ka mid ahaa Mukhtaar Roobow oo hadda ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Somalia.

Dhanka kale Cabdicasiis Laftagareen ayaa Koonfur Galbeed ka sameeyay horumaro aan la xaqiri karin, waxaa intii uu joogay Koonfur Galbeed ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo aan ka hirgelin dowlad goboleedyada kale isagoo sidoo kale dhisay ciidamo awood leh oo maamulkaas uu leeyahay.

Laftagareen oo sameystay muddo kororsi hal sano ah ayaa waxaa saaran cadaadis kaga imanaya dowlada dhexe iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo ka soo jeeda Koonfur galbeed kuwaasoo doonaya in la qabto doorashada hogaanka maamulkaas.

Lama oga sida uu Laftagareen isaga moosi doono mowjadaha kacsan ee diidan muddo kororsiga halka sano ah ee doonayo, waxaana saadaal kala duwan laga bixinayaa halka uu xaalkiisu ku dambeyn doono todobaadyada soo socda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA XAFLADA DABAALDEGA LAFTAGAREEN

default

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -