Allbanaadir.com
NEWS

Isbitaalka Somali Sudanese oo Furay Xarunta Qaliimada, iyo Daweeynta Wadnaha (Sawirro)

Isbitaal Takhasusiga ah ee Somali Sudanese ayaa soo agaasimay Munaasabad Xariga looga jaraayey Adeeg Caafimad oo Isbitaalku soo Kordhiyey, kaa oo bulshada Soomaaliyeed baahi weyn u qabeen.

Isbitaalka ayaa soo kordhiyey Qeeyb qaabilsan Qaliimada, Furista, iyo Daweeynta Wadnaha. Sidoo kalana Isbitaalku waxa uu Keenay Qalabkii ugu danbeeyey ee Dunidda laga isticaalo oo lagu furo WadnahaA laguna Sameeyey Dalka Jarmalka.

Xafladan Furitaanka Xanunta Cusub ee Wadnaha oo ka dhacday Hotel Jazeera ayaa waxaa kasoo Qeyb galay Qeeybaha kala Duwan ee Bulshada, Masuuliyiin ka kala socday Dowlada,Culimada, Isbitaalada Dowlada, Isbitaalada Gaarka loo leeyahay, Bahda Waxbarashada, Ururada Caafimadka, Ganacsatada iyo dhamaan Qeeybaha Bulshada: Masuulinta kala duwan ee Madasha ka hadashay ayaa boggaadiyey Qalabkan iyo adeegan Caafimaad ee Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese soo kordhiyey, Iyagoo sheegay in Bulshadu Baahi Weyn u qabtay Addeegan Loogana Maarmi doono aadistii Dalka Dibadiisa aheyd taas oo Waqti badan iyo Qarash badan Bulshada uga bixi jirtay.

Sidoo kale Dhaqtarka qabanaya hoowshan ayaa ah Dhaqtar kasoo Shaqeyey Wadamada kala duwan sida, Ireland, UK, Germany, Sudan iyo Wadama kale Dhaqtarka ayaa Daaweynta Wadnaha ka heeysta Shahaadada ugu sareeysa Caafimaadka Wadnaha.

Isbitaalka oo looga bartay Adeeeg Caafimaad oo Tayadiisu sareeyso, 4tii Sano ee ugu danbeeysana Noqday Isbitaalka ugu fiican ee gaar loo leeeyahay ayaa Sanadihii lasoo dhaafay looga bartay soo kor dhinta Adeegyo iyo Qalab Caafimad oo Dalka Dibadiisa loo adi jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde oo noqday halyeey gacanta ku dhigay arin halis ah !!

admin

Xubno ka goostay Xisbiga Muuse Biixi oo taageeray C/raxman Ciro

Caydiid Ali

Khilaafkii Axmed Madoobe Itoobiya oo la xaliyey iyo dal arrintaas ka shaqeeyay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---