Duqa magaalada Hargeysa oo lagu soo oogayo Dacwad aan nuuceeda horey loo arag

Nin dhalinyaro ah oo kunool magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa dacwad aan horey nuuceeda loo arag waxa uu kusoo oogayaa Duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Ceydiid Solteelko .

Cabdi Maxamuud Daahir, oo ah ninka dacwada kusoo oogaya Duqa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Maxkamada Hargeysa u gudbinayo Dacwada ka dhan ah Duqa magaalada uu sheegay in uu ka saaray bartiisa Facebooka.

Waxa uu sheegay ninkan in uu qabsaday qareen u dooda, waxa uu xusay in Duqa Hargeysa uusan xaq u laheyn in uu ka saaro bartiisa Facebooka ay saaxiibo ku ahaayeen,waxa uuna xusay in talaabadan ka dhigan tahay isaga oo laga celiyay xafiis dowladeed oo kale.

” Duqa markaynu leenahay maahan qof meel iska jooga, maayar waa qof matala bulshada magaaladaa uu ku noolyahay, baraha bulshada ee uu magaca dadweynaha ku kasbadanay waa wadaag oo waa lawada leeyahay”. Ayuu yiri Cabdi Duco.

Ninkan ayaa sheegay in Duqa magaalada Hargeysa uu bartiisa ka saaray kadib markii uu dhaliil u jeediyay, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in duqa magaalada hadii wax loo sheego uu talaabo ka dhigayo in dadka ka saaro bartiisa bulshada.

Cabdi Maxamuud Daahir (Cabdi Duco) ayaa ku doodaya in uu maxkamadaha maamulka uu ka doonayo in ay kiiskiisa qaadaan, si la mid ah sida dadka facebook-ga waxyaabaha qaar ku qoroba loo ciqaabo.

“Anigu kiiskayga haddii aanay maxkamaduhu siduu yahay u qaadayn majirto sabab ay xeer ciqaabeed ugu qaadi karaan qof facebook-ga wax ku qoray, waana labo isku xidhan”. ayuu yiri ninkan dacwada kusoo oogaya Duqa Hargeysa.

Dacwadan lagu soo ogayo duqa magaalada Hargeysa ayaa noqotay mid aan horey nuuceeda looga arag gayiga Soomaaliya, waxaana dacwadan laga hadal hayaa magaalada Hargeysa ee caasimada u ah maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -