Nin Madaxweyne Dhaawac u geestay oo dambi lagu waayay !!!

Maxkamad kutaala dalka Brazil ayaa dambi ku weysay nin loo heestay in toorey ku dhaawacay Madaxweynaha dalkaasi Jair Bolsonaro, xiligii ay socotay doorashada Madaxweynaha dalkaasi oo dhacday sanadkii hore.

Garsooraha Maxkamada lasoo taagay ninkan tooreyda ku dhaawacay Madaxweynaha Brazil oo lagu magacaabo Adélio Bispo de Oliveira ayaa sheegay in ninkan wax dambi ah uusan laheyn, waxa uuna tilmaamay in ninkan uu yahay nin maskaxda ka xanuunsan.

Waxa uu sheegay garsooraha in ninkan Madaxweynaha dhaawacay uu yahay nin maskaxda ka xanuunsan, waxa uuna xusay in uusan si buuxda u ogeyn markii uu falka weerarka ah geesanayay.

Ninkan Madaxweynaha Brazil dhaawacay hadana ka bad baaday in loo xukumo dambigii loo heestay ayaa garsooraha amray in xabsiga lagu sii hayo inta laga daweenayo xanuunka maskaxda uu qabo.

Madaxweynaha dalka Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn go’aanka ay maxkamada ka gaartay kiiska ninkii dhaawaca gaarsiiyay, waxa uuna tilmaamay in uu xukunkan racfaan ka qaadan doono.

Dhaawaca halista ah ee loo geestay Madaxweynaha Brazil bishii sebtember ee sanadkii hore ayuu aamninsan yahay in ay aheyd mid siyaasad ka dambeyso oo ay gadaal ka riixayeen shaqsiyaad loolan kala dhaxeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -