Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Agaasime Koofi oo booqday Safaarada Somalia ku leedahay Imaaraatka

Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi ayaa booqasho ku tagay Safaarada Dowlada Soomaaliya ku leedahay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraatka Carabta.

Koofi oo maalmahan ku jiray safaro uu ku marayay wadamo kuyaala Khaliika Carabta ayaa u kuur galayay habka ay uga socdaan dalalkaasi Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay bixinta Baasaboorka iyo nidaamka loo maro.

Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa Safaarada kula kulmay siihayaha safaaradda mudane Axmed Daahir Maxamed  iyo dublamaasiyiinta kale ee safaaradda.

Kulanka Koofi la qaatay Sii hayaha Safiirka ayaa looga hadlay arimo kala duwan ay kamid aheyd ilaalinta sharuucda iyo habraaacyada bixinta Basaboorka iyo Dal-ku galka (visa), waxa uuna Safaarada ka codsaday Koofi iyo dadka loo fududeeyo helitaanka Baasaboorka.

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa isbadal muuqda la timid horumaro badana sameesay tan iyo markii loo dhiibay G/Sare  Koofi , waxa uuna Agaasimaha safaro kala duwan u tagay caalamka si uu saro ugu qaado aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Kismaayo oo xiray nin been yaab leh ku baahiyey Baraha bulshada (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Farmaajo oo la kulmay Guddiga isku dhafka ee ka baaraan-degga doorashooyinka

Caydiid Ali

Xabsi nuuc cusub ah oo dadka si iskood ah u tagaan si loogu xiro lacagna ku ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---