Nin Aroos ahaa oo dhintay kadib Markii Bambaano Hadiyad looga dhigay (Daawo Sawirro)

Bambo hadiyad ahaa loo keenay ayaa dishay injineer dhowaan aqal galay xaaskiisana si xun u dhaawacday ayaa carqaladeysay nabadda magaalo yar oo ku taalla Hindiya. Ku dhowaad bil kaddib dhacdada, booliisku wax caddeymo ah ma helin.

Galab cadceeddu ay kululeyd, 23-kii February, shan maalmood kaddib arooskooda, Soumya Sekhar Sahu, oo ah 26-jir Injineer ku takhasusay software, iyo xaaskiisa 22-jirka ah Reema, waxay ku jireen jikada gurigooda dhowaan laga dhisay Patnagarh, oo ah magaalo qaddiimi ah oo ku taalla Orissa.

Waxay qorsheynayeen karinta bocor iyo maraq digir laga sameeyay si ay ugu qadeeyaan, markii Soumya uu maqlay garaaca ganjeelkooda birta ka sameysan. Nin alaab sida ayaa bannaanka taagnaa, isagoo haya sanduuq yar oo xiran oo guriga lagu soo hagaajiyay.

Waxaa sanduuqa korkiisa lagu xusay inuu soo diray SK Sharma oo jooga Raipur, oo ilaa 230km (142 miles) halkaasi u jirta.

Reema waxay xusuusataa seygeeda oo sanduuqa ku dhex furaya jikada, waxaana ku dhex jirtay baqshad lagu daboolay warqad cagaaran ayna ka laalaaddo dun cad, markii soddohdii oo 85-jir ahayd Jemamani Sahu ay gadaal uga timid si ay u aragto waxa baqshadda ku jira.

‘Haddiyad kedis ah’

“Tani waxay u ektahay haddiyad aroos,” ayuu Soumya Sekhar u sheegay xaaskiisa. “Waxa keliya ee aanan ogeyn waa cedda soo dirtay. Cedna kama garanayo Raipur.”

Markii uu dunta soo jiiday, waxaa ka shidmay nal, qarax xooggan ayaana gilgilay jikada. Saddexdoodiiba hawada inta ay ka yimaadeen ayay dhulka ku dheceen, iyagoo si aad ah u dhiig baxay. Qaraxa ayaa la kacay saqafka jikada, isagoo kala kiciyay alaabtii jikada dumiyayna derbiyada.

Saddexdooda waxay la taahayeen xanuun iyagoo dul yaalla dhulka uu dhiiggu ka buuxay. Jeemamani Sahu way gubaneysay. “I badbaadi. Waxaan u maleynayaa inaan dhimanayo,” Soumya Sekhar ayaa ku taahayay kahor inta uusan miyir beelin.

Wedding

Kaasi wuxuu ahaa hadalkii ugu dambeeyay ee ay Reema ka maqashay seygeeda.

Waxaa gubtay wejiga iyo gacmaha. Iyadoo qiiq uu buuxiyay sambabadeeda, waxay la dhibtooneysay neefta. Dhegaha ayaa cub noqday mana aysan maqli kareyn shuxshuxda deriska oo ku soo baxay si ay u hubiyaan in gaaska cuntada lagu karsado uu qarxay.

Araggeeda ayaa daciifay bus ayaana indhaheeda qarisay.

Weli Reema waxay awoodday inay qolka jiifka u gurguurato ayna soo qabsato telefoonka si ay soddohdeed u wacdo. Balse way miyir beeshay kahor inta aysan wicin.

Muuqaal laga duubay guriga daqiiqado kaddib qaraxa ayaa muujinaya deris murugeysan oo ambalaas ku qaadaya saddexda dhaawaca ah.

Soumya Sekhar iyo Jemamani Sahu, oo labadoodaba 90% gubtay, ayaa geeriyooday markii isbitaalka la geeyay. Reema ayaa si tartiib ah uga soo kabaneysa gubashada, iyadoo taalla isbitaal dowladdu ay leedahay.

In ka badan bil, kaddib mashaqadaasi, qofna uma muuqdo inuu wax uun ka ogyahay cidda dishay Soumya Sekhar, oo ay qaraabadiisu ku tilmaameen waxgarad.

“Waxaan nahay dad caadi ah oo nolol caadi ah ku nool. Ma lihi wax cadow ah. Gabadheyda malaha cadow. Wiilkaan soddogga u ahayna ma uusan lahayn cadow. Cedna kama shakisani, mana garanayo qof sidaan sameyn kara,” ayuu yiri Sudam Charan Sahu, oo ah aabbaha Reema.

Wedding

Qoysaskooda ayaa is baray, waxayna labadoodu isu doonnanaayeen wax ka yar sanad. Aabbaha Reema oo ganacsade ah, ayaa iyada korsaday isagoo ka qaatay walaalkii ka yar sababtoo ah wuxuu doonayay gabar, isagoo leh labo wiil, halka walaalkiina uu haystay saddex gabdhood.

Waaliddiinta Soumya Sekhar labadooduba koleej ayay macallimiin ka yihiin. Wuxuu bartay cilmiga sayniska kumbuyuutarka wuxuuna la shaqeeyay shirkado tiknolojiyadeed oo ku yaalla Mysore iyo Chandigarh, kahor inta uusan labo bilood kahor ku biirin shirkad Japan laga leeyahay oo qalabka korontada iibisa kuna taalla Bangalore.

Waxa keliya ee laga shakin karo ayaa ah wicitaan uu Soumya Sekhar helay markii uu joogay Bangalore.

“Waxay ahayd sanadkii hore,” Reema ayaa ii sheegtay. “Waxaan ku wada hadleynay telefoonka, wuxuuna yiri qof baa isoo wacaya. Waxaana xusuustaa isagoo hakad i geliyay, wuxuuna goor dambe ii sheegay, ‘waxaa isoo wacay qof ii hanjabaya. Nin baa qadka ku jiray iina sheegay inaanan guursan.'”

Mar dambe ma uusan soo hadal qaadin wicitaan, markii uu guurka dhacayna, “gebi ahaanba waanu iska illownay”.

Wedding

Baarayaal labo kooxood ka kooban ayaa su`aalo dilka la xiriira weydiiyay in ka badan 100 qof – oo u badan saaxiibbada iyo qaraabada lammaanaha – oo ku kala sugan afar magaalo. Waxay dib u raaceen moobaayladii lammaanaha iyo laptop-yadooda.

Reema weli isbitaalka ayay ku jirtaa, waxayna xaaladdeeda ka sii dartay Isniintii markii joornaal qolkeeda yaallay ay ka ogaatay in qeygeeda uu ku dhintay qaraxa.

Ku dhowaad saddex toddobaad, qoyskeeda uma aysan sheegin arrinta. Hadda aad ayay u ooyeysaa.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -