Faah faahino labo qarax oo Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho

Waxaa saakay labo qarax siyaabo kala duwan uga dhaceen Xaafada Oodweyne ee degmada Dayniile iyo laamiga Warshadaha, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay Xaafada Oodweyne gaar ahaan meel ku dhaw xarun ciidamada Nabad sugida halkaasi ku leeyihiin, waxaana qaraxan lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowlada.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxan waxaa ku dhintay Gudoomiyihii Laanta Dibiley ee degmada Dayniile Cabdi Fitaax Bille Macalin iyo qof kale oo shacab ah oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale oo labo kamid ah la sheegay in ay yihiin ciidamo katirsan dowlada halka qofka sadexaad ay aheyd haweeney shacab ah oo mareysay halka uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada Nabad sugida oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa durba goobtaasi baaritaano ka sameeyay, lamana oga in ciidamada gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxaasi iyo in kale.

Dhinaca kale Qarax Miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa ka dhacay Laamiga Warshadaha gaar ahaan meel ku dhaw Jaamacada Simad, qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel cidlo ah wax khasaaro ahna uusan geesan.

Qaraxyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, shalay ayeyna aheyd markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -