Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo xabsi kasii deysay Aqoonyahan Soomaaliyeed oo dhawaan la xiray

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa xabsiga xalay kasii daayay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid Bursaliid oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha dalka Kenya.

Ibraahim Bursaliid ayaa maalmo kahor laga soo xiray gurigiisa oo kuyaala magaalada Nairobi, waxaana isaga iyo rag kale lasoo taagay maxkamad kutaala magaalada Nairobi oo iyana amartay in xabsiga lagu sii hayo.

Siyaasiyiin iyo dad kale oo magac leh ayaa dadaal u galay sidii xabsiga looga sii deyn lahaa aqoonyahan Ibraahiim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasada geeska Afrka gaar ahaan tan Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaan wali si rasmi ah u shaacin dambiga loo xiray aqoonyahankan Soomaaliyeed, waxa uuna xarigan kusoo aaday xili Kenya ay bilowday cadaadis ka dhan ah dadka Soomaaliyeed .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo hubeesay Odayaal kasoo jeeda Abgaal kuna dhawaaqay Dagaal (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Haramcad oo howlgalo kawada degmada Balad Xaawo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo shaacisay tirada dadka ka qaxay dagaalada ka socda dalka Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---