Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Q/Midoobay oo shaacisay tirada dadka ka qaxay dagaalada ka socda dalka Sudan

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada dadka ka qaxay Sudan ay gaartay in ka badan shan boqol oo kun oo qof

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) Filippo Grandi Wuxuu sheegay in laba milyan oo kale ay ku barakaceen gudaha dalka.

Filippo Grand ayaa intaas ku daray in dadka ku barakacay gudaha ay ku nool yihiin xaalado nololeed oo aad u qalafsan, meelaha qaarkoodka ay adag tahay in gargaar la gaarsiiyo.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jabiyay xabbad joojintii ku meel gaarka ahayd ee ugu dambeysay.

Milateriga Sudan ayaa sheegay in ciidamada gurmadka degdega ah ay weerar ka fuliyeen waqooyiga Darfur maalintii labaad oo xiriir ah xili ay jirtay xabad joojin

Wakiilada Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay xabbad joojinta laba iyo todobaatan saacadood Sabtidii hase ahaatee sidii loogu talo galay uma dhaqan gelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Qiyaano ku eedeeyay Rooble iyo Villa Somalia oo boobeysa kuraasta…

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo soo dhaweyntiisa Kismaayo saf dheer loo galay (Sawirro)

Cabdi Cade

War uu Cumar Finish kasoo saaray Dilkii Gudoomiyaha Hodan oo si weyn loo dhaliilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---