Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Haramcad oo howlgalo kawada degmada Balad Xaawo (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo kawada degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo oo dhawaan ka dhacay qarax dad badan ku dhinteen.

Wadooyinka degmada Balad Xaawo ayaa lagu arkayay ciidamadan oo afka u duuban oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa ayna ciidamada baaritaano ku sameenayeen gaadiidka iyo dadka ay ka shakiyaan.

Saraakiisha ciidankan hogaamineysa ayaa sheegay howlgalka ay ka wadaan degmada Balad Xaawo in ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amaanka degmadaasi loogana hortago in qaraxyo iyo falal amaan daro ka dhacaan.

Ciidamada Haramcad ayaa degmada Balad Xaawo loo geeyay in ay la dagaalamaan ciidamada maamulka Jubbaland uu hogaaminayay Wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan oo ku sugan xadka Balad Xaawo la wadaago Mandheera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo xil sare u Magacaabay Cabdiraxiin Ciise Caddow (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxda dowlad goboleedyada oo si kulul u dhaleeceeyey dowlada Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Fajac laga muujiyay hadalada Madaxweyne Xasan ee iska hor imaanaya !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---