Xukuumada oo Lacag ku taageereysa Dhismaha Degmo Al Shabaab Qarxiyeen (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lacag ku taageeray dib u dhis lagu sameenayo degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Mahdi Guuleed oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday xarunta degmada Wardhiigley ayaa ku deeqay mushaarkiisa bisha June, waxa uuna xusay in dib-u-dhiska xarunta uu fududaynayo fulinta adeegyada bulshada.

Masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa iyana lacago kala duwan ugu deeqay dib u dhiska lagu sameenayo xarunta degmada Wardhiigley oo xiligan ah mid aad u bur bursan.

Al Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarunta Degmada Wardhiigley bishii hore, weerarka ayaa sababay in uu bur bur xoogan soo gaaro qeybo badan oo kamid ah xarunta degmada.

- Advertisement -