Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo hubeesay Odayaal kasoo jeeda Abgaal kuna dhawaaqay Dagaal (Sawirro)

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa kulan ku yeeshay odayaal kasoo yeeda beesha Abgaal oo taageersan Al Shabaab ,kuwaa oo kulanka kaddib ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo ah Imaamka Al Shabaab u magacaabeen beesha Abgaal, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in diyaar u yihiin in ay dagaal la galaan dowladda iskana difaacaan duullaamka kusoo wajahan.

Waxa uu sheegay Imaamka in hubka u qaateen yarkooda iyo weynkoodaba in ay dagaal la galaan ciidamada dowladad iyo kuwa ATMIS, waxa uuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan duullaanka kasta oo lagu soo qaado.

Al Shabaab ayaana deegaanka Masaajid Cali Gaduud kusoo bandhigtay odayaal iyo dad kale oo la hubeeyay, kuwaa oo la sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dagaal la galaan ciidamada dowladda iyo kuwa macawuusleyda ee duulaanka ku ah deegaanada Al Shabaab ka joogaan Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamo badan oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhaqaaqay magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan la sheegay in duullaan ku yihiin deegaanada Al Shabaab ka joogaan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Muslim ah oo markii ugu horeesay garsoore sare ka noqday maamulka Israa’iil

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay Masuuliyiin oo ka dhacay Buuhoodle

Cabdi Cade

Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo ka furmaya Baydhabo iyo Qodobo xasaasi ah oo ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---