Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo Xil u magacawday Fanaanka Caanka ah ee Nimcaan Hilaac

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya, Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa loogu ogolaaday fanaanka caanka ah ee Nimcaan Hilaac in uu kamid noqdo hoobalada Qaranka ee Waabari.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Wareegtada xafiiskiisa kasoo baxday ayaa sidoo kale Fanaanka Nimcaan C/raxmaan Xasan, loogu Magacaabay in uu noqdo, Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , Maxamed Xasan Barroow oo hada laga dhigay lataliyaha Wasiirka ee arrimaha horumarinta Fanka.

Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa kamid ah fanaaniinta da’da yar ee soo caan baxii sanadihii ugu dambeeyay, waxa uuna fanaankan isaga soo tagay magaalada Hargeysa uu kunoolaa kadib cadaadis xoogan uu kala kulmay maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse daah-furay Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya

Cabdi Cade

Axmed Karaash oo tababar u soo xiray boqolaal ka tirsan ciidamada Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

UAE oo soo bandhigtay rag loo heysto dilka nin Israeli ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---