Cabdiweli Muudey oo Muqdisho kusoo laabtay Dhoolo Tus cajiib ahna sameeyay (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey oo maalmihii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku maqnaa.

Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uga hortagau si weyna ugu soo dhaweeyay Xildhibaano badan oo katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Soo dhaweynta Gudoomiye Muudey ayaa u muuqatay mid dhoolo tus ah uu sameenayay, waxa ayna kusoo aadeysa xili maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Xildhibaano ka wadaan mooshinka Xilka looga tuurayo.

Xildhibaanada Cabdiweli Muudey kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku jiray Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, waxaa sidoo kale ku jiray Xildhibaano lagu xanto in ay aad ugu dhaw yihiin Madaxtooyada.

Warbaahinta qaar ayaa maalmihii lasoo dhaafay baahisay in mooshin ka dhan ah Xildhibaan Cabdiweli Muudey ay wadaan Xildhibaano ku dhaw dhaw Madaxtooyada, kadib markii uu kasoo horjeestay sharciga doorashooyinka ay gadaal ka riixeyso Madaxtooyada.

Soo dhaweynta nuucan ah ayaa u muuqatay mid dhoolo tus ahaan loo sameeyay, Gudoomiye kuxigeenada Golaha Shacabka ayaan waagii hore sidan loo soo dhaweyn jirin, mana loo soo bandhigi jirin warbaahinta soo dhaweyntooda marka ay dalka kusoo laabtaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -