Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geestay dalka Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saakay deegaan magaaladaasi katirsan dil iyo dhaawac loogu geestay labo muwaadin oo Soomaali ah.

Kooxo burcad hubeesan ayaa saakay weerar ku qaaday dukaan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo kuyaala deegaanka Strand ee magaalada Cape Town, waxa ayna halkaasi ku dileen hal ruux oo Soomaali ah halka mid kalana dhaawac loogu geestay.

Dad ka agdhawaa halka lagu weeraray ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in burcada rasaas ku fureen labo ruux oo dukaanka joogay, waxaana rasaasta ku geeriyooday Macalin Cabdulaahi Cali Ciise halka uu dhaawac soo gaaray Nuur Bafaana.

Burcada dilka iyo dhaawaca geesatay ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhac u geesteen dukaanka, waxa ayna markii dambe ka baxsadeen goobta ay burcadan hubeesan dilka iyo dhaawaca ka geesteen.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogta ah waxaa dilal iyo dhaawac loogu geestaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi u tagay nabad iyo nolol in ay ka helaan, waxaana Soomaalida dalkaasi lagu dilay sanadihii lasoo dhaafay kor u dhaafayaan kun ruux.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -