Qorshaha Sugida amaanka Muqdisho oo dib u eegis lagu sameenayo (Daawo Sawirada)

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay shirka amniga caasimada, waxaana shirkan looga arinsanayay amaanka magaalada Muqdisho iyo sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa qorshaha amniga Caasimada.

Shirkan uu gudoominayay  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cusmaan Yariisow ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha laamaha amaanka , waxaana dhinacyada shiray is dhaafsadeen aragtiyo kala duwan oo dhinaca amaanka ah.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay go’aamiyeen in dib u eegis lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada, waxa uuna xusay in qiimeyn ku sameeyeen xaalada guud ee caasimada gaar ahana dhinaca amniga.

”Shirka Amniga Caasimada ayaan  ku qiimeynay xaalada Guud ka dib kormeer iyo dabagal joogta ah oo aan wadnay muddo, isla markaasna go’aaminey dib u eegis in lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka wali kawada magalaada Muqdisho, ciidamada ayaana inta badan dhagxaan ku xiray qaar badan oo kamid ah wadooyinka Muqdisho oo loo diiday in gaadiidka shacabka maraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -