Jubbaland oo ka codsatay Madaxweyne Xasan Sheekh in gacantooda kusoo celiyo Gedo

Maamulka gobolka Gedo ayaa ka baxday gacanta maamulka Jubbaland kaddib dagaal xoogan oo gobolkaasi qeybo kamid ah ku dhax maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamo dowladda federaalka geesay gobolkaasi.

Gedo waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka talinayay maamul ka amar qaata Madaxweynihii waqtigiisa dhammaaday ee Farmaajo, maamulkaasi ayaana si adag uga horjeeday maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Wasiirka warfaafinta  Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud  ayaa sheegay in madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ka codsanayaan kana ka rajeynayaan in uu xal u helo arrinta gobolka Gedo gacantoodana kusoo celiyo.

“Hadda waxaan ka rajeynaynaa dowladda cusub uu hoggaaminayo Xasan Sheekh inay qaabkii hore wax ka badasho oo maamulka sharciga ah sida sharciga ah ay ku soo celiso dowlad goboleedka Jubbaland,”  ayuu yiri Wasiir Suleymaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in gobolka Gedo oo sannadihii lasoo dhaafay ka taagnaa khilaaf u baahan yahay hada in loo sameeyo dib u heshiisiin si xal looga gaaro khilaaf halkaasi ka taagnaa.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa farta ku fiiqay in dowladda cusub iyo maamulka Jubaland ay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii ay dowladdii madaxwayne Farmaajo geysay Gedo halkaasi laga soo saaro.

“Ciidamada qaranka in qaar halkaasi lagu dhaafo, qaarkii sharci la’aanta lagu keenayna meesha laga saaro maamul ay dadka ogol yihiin-na loo dhiso sidaa la ajligeed Gedo-na ay ku soo noqoto sharciyadii Jubaland sidaa ayaa noo qorsheysan” ayuu sheegay Wasiirka.

Maamulka Jubbaland ayaa ku taageeray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidii guul uga gaari lahaa doorashadii uu kusoo baxay, waxa ayna Jubbaland halis u aragtay Madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -