Jacob Zuma oo mar kale maxkamad la soo taagayo & dacwado kale oo loo heysto

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa Talaadada nagu soo aadan laga sii deyn doona xabsiga si uu uga soo hormuuqdo maxkamadda dhageysan doonto dacwadda musuq maasuq ee loo heysto.

Go’aankan kasoo baxay maxkamadda ayaa imaanaya toddobaadyo kadib markii in ka badan 300 qof ay ku dhinteen rabshadihii ka dhashay xiritaanka Zuma.

Waxaa lagu wadaa in la xoojiyo amniga dalkaas xilli ay u muuqato in taageerayaasha Zuma ay isugu uruuri doonaan maxkamadda ku taalla magaalada Pietermaritzburg.

Mr Zuma waxaa lagu xukumay 15-bilood oo xarig ah 29-kii June kadib markii uu ka horyimid awaamiirtii la siiyay ee ahayd inuu cadeyn ka bixiyo baaritaanka musuqmaasuqa sagaalkii sano ee uu xukunka hayay.

Ganacsatada ayaa lagu eedeeyay inay shirqooleen siyaasiyiinta si ay saameyn ugu yeeshaan hanaanka go’aan qaadashada intii uu xafiiska joogay. Balse Mr Zuma wuxuu dhowr jeer ku celceliyay inuu dhibane u yahay shirqool siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -