Puntland oo dhulkeeda ka ceyrisay Saraakiil u shaqeenayay Hay’ado Caalmi ah

Amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa deegaanada maamulkaasi looga ceyriyay labo sargaal oo ka shaqeenayay Hay’ado caalami ah, kadib eedeymo musuq maasuq iyo wax isdaba marin loo jeediyay saraakiishaasi.

Labada Sargaal ee Puntland deegaanadeeda ka ceyrisay ayaa katirsanaa madaxda Hay’adaha World Vision International iyo Relief International ee ka howlgala deegaanada maamulka Puntland.

NAPOLEON PHIRI oo ahaa madax hawlgalada ahna Madaxa xafiiska Puntland  ee hay’adda World Vision Internationa iyo NELSON oo ahaa kuxigeenka madaxa hawlgalada ee hay’adda Relief International ayaa labada Puntland looga saaray amar kasoo baxay maamulka.

Sargaalka madaxa ka ahaa xafiiska Puntland ee hay’adda World Vision , NAPOLEON PHIRI ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay falal musuq maasuq ah sidoo kale ku xad gudbay nidaamka shaqaaleysiinta .

NELSON oo isna katirsanaa Hay’ada Relief International  ayaa lagu eedeeyay in uu iska indho tiray shuruucda wadanka sida Ruqsadda ogolaanshiyaha shaqo ee dalka iyo Dal-ku-jooga.

Soomaaliya waxaa ka howlgala saraakiil iyo shaqaale kale oo ajnabi ah kuwaa oo hareer mara sharciyada dalka uyaala iyo sidoo kale nidaamka shaqo, waxaana talaabadan Puntland qaaday ay muujineysaa in lala xisaabtami karo shaqaalaha ajanaiibta ee dalka jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -