Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jocelyn Mason oo balan-qaad Muhiim ah u sameeyey Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka cusub ee Hey’adda UNDP u qaabilsan Soomaaliya, Jocelyn Mason iyo xubno ka tirsan Howlwadeenada xafiiskiisa.

Eng. Yarisow ayaa ugu horeyn Mr. Jocelyn kusoo dhaweeyay Muqdisho, isagoo warbixin ka siiyay Howlaha ay isla wadaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda UNDP.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay ka filayaan mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinayo Caasimadda in ay fuliyaan.

Jocelyn Mason, Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta Duqa Muqdisho, isagoo dhinaca kale balan-qaaday inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhaxeyso Maamulka Gobolka Banaadir iyo mashaariicda ay ka wadaan caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur oo la kulmay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xiliga dib loo bilaabayo kulamadii caadiga ahaa ee golaha shacabka oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Muwaadinkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Sanadkan cusub lagu dilay Koonfur Afrika

admin
Taboola Ads ---